Hal sano kadib dowlad goboleedyada waqooyi bari kenya oo wali saameyn dhanka hormarada ah aan sameyn

Waxaa mudo sanad ah ay maanta ka soo wareegtay markii ay dhacday doorashadii guud ee dalka kenya ka dhacday 8-dii bishii Augost ee sanadii 2017-da.

Gobolka waqooyi bari ee kenya ismaamulada hoos yimaada ee kala ah wajer garissa iyo mandera waxaa ka dhacay loolan doorasho oo hogaamiye yaasha somalida dhexmaray.

Shacabka ku dhaqan ismaamuladan ayaa waxay qaarkood sheegeen in aysan gaarin hadafkii ay ka lahaayeen dowlad goboleedyada ay soo doorteen.


Balse hogaamiye yaasha la soo doortay ayaa qaarkood ku cudur daartay in ay arintaan sabab u tahay dacwado maxkamadeed oo ku socday iyo doorashadii madaxtinimo oo maxkamada sare laashay.


Hey,ad ka faalootaa arimaha hormarada ee dowlad goboleedyada ayaa bilo ka hor warbixin ay soo saartay waxay ku sheegtay in ismaamulada Garissa iyo mandera aysan sameynin wax hormar ah sanadii la soo dhaafay.


Balse barasaabka ismaamulka garissa ayaa bil ka hor ka hadlay arintaan waxaana uu qabaa in dowladiisa ay sameysay mashaariic hormarineed oo ay ka mid tahay adeega caafimaadka iyo biyaha.


Dowlad goboleedka mandera waxaa ka jiray qilaaf u dhaxeeya golaha degaanka taasi oo keentay in bishii la soo dhaafay dabayaaqadeedii la ansixiyo golaha wasiirada 11 bil kadib.


Ismaamulka wajer waxaa isna ka socota wali dacwada maxkamadeed ee barasaabka aagaasi mudane maxamed Abdi uu ka geeyay ninkii xilkan kaga horeeyay oo lagu magacaabo Axmed abdulahi Jiir.


Isku soo wada duub marka laga soo tago cudur daar ka hogaamiye yaasha gobolka waqooyi bari kenya iyo catowga shaqa la.aanta ah ee heysata dhalinyarada ayaa arintaan waxaa ay iskugu soo wada biyo shubaneysaa markale in aysan somalida gobolka waqooyi bari ee kenya aysan wali sidii loo baahnaa uga faa,iideysan 50 sano kadib hanaanka ah iskaa isku maamul oo kenya ka curtay sanadii 2013-dii.

Faallooyin