Qaxootiga Afghanistan oo saameyn ay ku yeelatay dhaqaale la,aanta ka jirta Iran

Muhaajiriinta u dhashay wadanka Afghanistan ee ku nool dalka Iran ayaa qarka u saaran in ay dib ugu laabtaan dalkooda kadib markii dhaqaalaha yari ah laga dareemay dalkaasi.

Cunaqabateynta cusub ee shirkadaha Iran uu ku soo rogay mareykanka ayaa waxay sababtay in 400,000 oo isugu jira shaqaale iyo qaxooti reer afghanistan ah ay dalkooda dib ugu laabtaan.


Dalka Iran ayaa waxaa ku nool sadex million oo ruux oo qaxooti reer Afghan ah waxaana qaarkood ay qarka u saaran yihiin in ay dhumiyaan shaqada ay ka hayaan dalkaasi.


Qaar kale ayaa dalbanaya in ay dib ugu laabtaan dalkooda iyadoo laga yaabo in la maasaafuriyo sida ay sheegayaan wararka inga soo gaaraya magaalada caasimada ah ee Tehran.


Dadka reer Afghanistan oo ay isu biirsatay shaqa la,aan iyo colaada sanadaha jirsatay ee dalkooda ka jirta ayaa waxay sababtay in ay u barakacaan wadamo badan oo caalamka ku yaal gaar ahaan dalka Iran.

 

Faallooyin