Police-ka Koonfur Africa oo fafaahin ka bixiyay Darawalo lagu dilay dalkaasi

11 darawal oo ahaa kuwa kaxeeya tagaasida ayaa xalay oo sabti aheyd lagu dilay gudaha wadanka koonfur Africa kadib markii koox hubeysan ay rasaas ku fureen.

Darawalada la dilay ayaa jidka loo galay iyaga oo ka yimid aaska mid ka mid ah darawalada oo la dilay waxaana uu falkaan ka dhacay meel u dhow gobolka KwaZulu-Natal.

Weerar kan ayaa waxaa sidoo kale dhaawac halis ah waxaa uu ka soo gaaray 4 darawal oo saarnaa gaariga.

Arintaan ayaa waxaa warbaahinta u dowlada u xaqiijiyay afhayeenka Police-ka koonfur Africa Jay Naicker.


Police-ka ayaa intaa raaciyay in mudooyinkii la soo dhaafay gudaha Koonfur Africa ay ka jirtay qilaaf u dhaxeeyay Gudiyada gaadiid leyda Tagaasida,iyo Kuwa gawaarida caasiga,waxaana ku dhintay dhowr darawal oo dhexdooda iska dileen.


Tagaasida iyo caasiyada ayaa isku heesta qaabka ay u shaqeyaan oo muran ka dhashay uu keenay in ay is ugaarsadaan sida police-ka sheegay.


Bishii May waxaa lagu dilay 10 ruux gudaha magaalada Cape Town kadib markii isku dhac uu dhex maray Labada Dhinac.

Si kastaba ha ahaatee Police-ka Koonfur Africa ayaa wada baaritaan ka La Xiriira Falkii Xalay Lagu dilay darawaladaasi.

Faallooyin