Maxkamad ku Xukuntay Xabsi Macalin Lagu Helay in uu dharbaaxay Gabar Ardayad ah

Macalin bare ka ah dugsi sare oo gabdhaha gaar u ah ayaa lagu xukumay sadex sano oo xabsi ah kadib markii lagu eedeyay in uu dharbaaxay Gabar Ardayad ah sanadii 2014-kii.


Wycliffe Kingori Mwangi ayaa lagu helay in bishii March sanadii 2014-kii uu dharbaaxay gabar fasalka labaad ka dhigata iskuulka sare ee Kaaga oo ku yaal ismaamulka Meru ee dalka kenya.


Gabadhan ayaa Gacanta uu u qaaday macalinka waxay sababtay in dhagteeda bidix dhaawac ka soo gaaray ay wax ka maqli weysay.

Garsoore Maxkamada magaalada Mer Lucy Ambasi ayaa tibaaxday in Ardayadan Jugta dhegta ka soo gaartay ay sababtay in qaliin ay marto.


Maamulka Iskuulkan ku yaal Meru ayaa gabdaha ku eedeyay in ay waday dhaqamada isu taga hablaha ee loo yaqaan (lesbianism) oo dalalka reer galbeedka laga soo min guuriyay.

Balse Maxkamada ayaa meesha ka saartay eeda gabadhan ay maamulka iskuulka u soo jeediyeen.

Garsoore Lucy ayaa carabka ku dhufatay hadii ay jirto Arintan looga baahnaa in gabadhan lala tiigsado sharciga halkii gacan loo qaadi lahaa.

Faallooyin