Fafaahin ka soo baxeysa Doon siday muhaajiriin oo ku degtay Jasiirada Qubrus

Doon siday 150 ruux oo qaxooti ah ayaa ku qalibantay bada Mediterranean ka gaar ahaan waqooyiga biyaha Qubrus iyadoo ay ku dhinteen 19 ruux halka 30 kalena wali raqda iyo ruuxdooda lagu la yahay biyaha sida ay shaaciyeen saraakiisha bada turkiga.


Tahriibyaasha saarnaa doontan ayaa markii hore waxaa ay ka anbabaxeen tuulada Gialousa ee wadanka Turkiga sida ay warar ku sheegayaan.


Ciidamada ilaalada bada turkiga ayaa badbaadiyay in ka badan 100 ruux oo ka mid ahaa tahriibayaasha.


dadka la soo badbaadiyay oo xaalad halis ah galay ayaa waxaa lagu qaaday diyuuradaha qumaatiga u kaca ee ciidamada Milatariga si loo dabiibo.


Waxaa wali socda baadi goobka loogu jiro in la helo dad ka lagu la yahay biyaha sida ay sheegeen saraakiil u hadashay qubrus.


Muhaajiriintan oo doonayay in ay gaaraan qaarada yurub ayaa ahaa qaxooti u dhashay siiriya sida ay sheegtay xukuumada Ankara.

Faallooyin