Xukuumada iiraan oo sheegtay in ay soo saari doonto Taangiyo cusub

Wasaarada Gaashaandhiga wadanka iiraan ayaa qorsheyneynsa in ay dib u dhis ku sameyso qalabka ciidamada si kor loogu qaado awooda difaaca dalkeeda.

Waxaa ay sheegtay in 700 ilaa 800 oo taangiyada casriga ah ay u soo saari doonto ciidamada cirka ee loo yaqaan IRGC iyo kuwa dhulka oo dalbaday sida uu ku waramay wasiir ku xigeenka wasaarada difaaca Reza Mozaffari-Nia oo la hadlay wakaaladda wararka ee Tasnim.

Waxaa uu sheegay in iiraan ay soo saari doonto 50 ilaa 60 taangiyada casriga ah sanad walba oo ay dalbadeen ciidamada difaaca.

Sanadii 2017-dii ay aheyd markii warshadaha hubka dalkaasi ay soo saareen taangiyadii ugu badnaa mudo sanad ah.

Taangiyadan ayaa ah kuwa casri ah iyaga oo aan si sahal ah ku gubaneyn waxaana ay awood u leeyihiin in ay is damiyaan marka uu dabka ama walxaha qarxa ay qabsadaan,iyada oo ay taa dheertahay in bartilmaamed walba ay si sahal ah ku beegsan karaan.

Dalka iiraan ayaa xiriir aan wanaagsaneyn kala dhaxeeya xukuumada Israel iyadoo dowlada Mareykanka ay todobaadkii hore wadamada yurub ugu baaqday in cuno qabateyn la saaro.

Faallooyin