Dilal bareer ah oo lagu eedeyay Police-ka Indonesia

Hey,adaha u dooda xuquuqda adaanaha ayaa waxaa ku baaqayaan in baaritaano lagu sameeyo dilal ka dhacay wadanka Indonesia xilli dalkaas uu u diyaar garoobayo bisha soo aadan marti galinta ciyaaraha wadamada Asia.

Madaxweynaha dalkaas Joko Widodo ayaa dhowaan amray in la dilo kooxaha ka ganacsada daroogada hadii ay ka dhega adeegaan amarka ciidamada.


Amarka ka soo baxay Widodo laba isbuuc ka hor ayaa waxaa ay keentay in Police-ka ay toogtaan 11 la tuhme halka 52 ruux oo kale ay Police-ka dhaawaceen.

Ku dhowaad 270 ruux ayey hey,aduhu sheegeen in xabsiga la dhigay kuwaasi oo laagu eedeyay falal danbiyeedyo ay ka mid yihiin ka ganacsiga daroogada.

Dhanka kale dowlada madaxweyne Joko Widodo ayaa ka jaawabin eeda kaga timid hey,adaha u dooda xuquuqda aadanaha ee fadhigoodu yahay dalkaasi

Faallooyin