Trump oo sheegay in aysan Jirin waqti loo qabtay in K/waqooyi ay ku burburiso Niyuukleerka

Madaxweynaha wadanka mareykanka Donald Trump ayaa waxaa uu sheegay in uu usan Jirin Waqti loo qabtay kuuriyada waqooyi si ay uga baxdo barnaamijkeeda Niyuukleerka.


Mr Trump ayaa 12-kii june waxaa uu kulan la qaatay hogaamiyaha kuuriyada waqooyi Kim Jong-un iyadoo arintaan ay bilow u aheyd wada xaajoodka labada Dhinac.


Labada Hogaamiye ayaa ku heshiiyay in ay si wada jir ah uga shaqeyaan Arimahan dhaliyay Muranka Labada Dowladood.


Trump oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada Helsinki ee dalka Finlad ayaa waxaa uu sheegay in wax walba ay sidii loo baahnaa ay u socdaan.

Dhanka waxaa uu sheegay in aysan Jirin waqti loo qabtay xukuumada Pyongyang oo ku aadan in ay ku burburiso hubkeeda.

Madaxweynaha wadanka Ruushka Vladamir Putin oo ay kulan ku qaateen Dalka Finland ayaa waxaa uu sheegay in uu dadaalo ka Geysan doono Arintan.

Faallooyin