Obama oo Jawaab Adag ka bixiyay dhaliisha kaga timid Trump

Madaxweynihii hore ee dalka mareykanka Barrack Obama ayaa maanta oo talaado ah lagu qasbay in jaakad uu ka iibsado dalka koonfur afrika qabowga ka jira dalkaasi awgeed.

Mr Obama ayaa sheegay in uu hilmaamay Juquraafiga xilli uu ka hadlay sanad guuradii 100-aad ee ka soo wareegtay markii uu dhashay madaxweynihii geeriyoodaay ee dalkaas Nelson Mandela.

Obama oo ku dhashay Hawaii ayaa waxaa uu sheegay in ay tahay meel aad u qabow oo faruuryaha xitaa ay kaga dilaacaan balse uusan isku diyaarin qabowga xiligan ka jira koonfur afrika.

Waxaa uu si wanaagsan ula kaftamay martidii ka qeyb gashay xaflada Mandela waxaana ay ku farxeen hab dhaqankiisa.

Tan iyo markii uu ka dagay xilka madaxtinimo ee mareykanka ayaa waxaa uusan ka soo muuqan fagaarayaasha caalamiga oo mar hore ugu danbeysay.

Mar uu ka hadlay siyaasad xumo uu ku eedyay madaxweynaha haya talada mareykanka Donald Trump,ayaa Obama waxaa uu ku jawaabay waa muhiim inaad xaqiiqda ogtahay hadii aadan xaqiiqda ogeyn waxba ma abaari kartid.

Hadalada Obama ayaa u muuqday kuwa laga dheehan karo in madaxweynaha mareykanka uu la socon xaqiiqda jirta iyo hanaanka siyaasada mareykanka.

Donald Trump ayaa shalay kulan uu la yeeshay dhigiisa ruushka Vladamir Putin waxaa ku eedeyay madaxweynihii hore ee mareykanka in uu sabab u ahaa qilaafka u dhaxeeyay sanadihii la soo dhaafay labada dowladood.

Faallooyin