Baadi Goobka Dad lagu la yahay fatahaada ka dhalatay roobka oo wali ka socota Japan

Kooxaha Gurmad deg deg ah ee wadanka Jaban ayaa waxaa ay rajo ka muujiyeen in la helo dad wali ku maqan Fatahaadihii ay sameyeen wabiyada dalkaasi.

Roobab Ma hiigaan oo dalkaasi ka da,ay ayaa waxaa ay sababeen in kaarar ay jabsadaan wabiyada waxaana ku geeriyooday 200 oo ruux sida ay sheegtay dowlada.


Kumaan ruux ayaa masiibadaan ku barakacay kuwaasi oo ku noolaa gobolada bartamaha iyo galbeedka kadib markii biyo badan ay guryaha u galeen.

Dadkaan ayaa haatan qaarkood wajahaya Koronto la,aan iyo adeegii biyaha oo degaanada qaar aan ka jirin kadib markii ay go,een.

Cimlida oo aan wali wanaagsaneyn ayaa waxaa ay keentay in kooxaha Gurmed ka deg deg ah in howlihii ay hayeen uu gaabis noqdo waxaana maalintii shanaad socda baadi goobka loogu jiro dad Nool ama geeriyooday.

Barakacayaasha ayaa si ku meel gaar ah u degay xarumaha iskuulada jaamacadaha iyo xarumaha kale ee dowlada ee ku yaal degaanada Sare.

Ra'isul wasaaraha dalkaas Shinzo Abbe ayaa waxaa uu sheegay in dowladiisa ay ku dadaaleyso sidii loo caawin lahaa dad ka ay dhibaatada ka soo gaarto fataahada ka dhalatay roobka ka da,ay Japan.

Faallooyin