Imaaraadka oo Lagu eedeyay Xadgudub Ka Dhan ah Shacab ka Yemen

Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku baaqay in baaritaano lagu sameeyo xabsiyada ku yaal wadanka yemen oo lagu geysto jirdil iyo dilal loo geysto maxaabiista xabsiyada ay dalkaasi ka maamulaan dowlada imaaraadka iyo maleeshiyo taageersan.


Warbixin ayaa maanta ay soo saartay Amnesty ayaa lagu sheegay in ay hey,adu diiwan Galisay Jirdil loo Geystay maxaabiis ku xirnaa xabsiyo ku yaal koonfurta yemen iyo daanbiyo kaa dhaan ah xuquuqda aadanaha.


Waxaa sidoo kale ay sheegtay in maxaabiista qaar garaacid loo geystay ay ugu dhinteen xabsiyada.

Wareysiyo Laga Qaaday 70 Ruux ayaa waxaa lagu sheegay in falal shari daro dhaqan xumo ah loo geystay maxaabiista.

Amnesty ayaa ugu baaqday dowlada Imaaraadka in ay joojiso Arintaan si deg deg ah u sii deyso maxaabiista ku xiran xabsiyada ay maamusho.

Warbixinta oo dheereyd ayaa dhinaca kale waxaa lagu sheegay in la waayay 51 ruux intii u dhaaxeysaay bilihii March ilaaa iyo May ee sanadaan.

Ugu Danbeyn Amnesty ayaa dowlada mareykanka ka dalbatay in ay joojiso wada shaqeynta dhaankaa sirdoonka oo ay la leedaahay Imaaraadka iyo Ganacsiga Hubka.

Dhaleeceyntaan Loo Jeediyay imaaraadka ayaa waxaa ay imaaneysaaa iyadoo ay jirto walaaca dad lagu la yahay koonfurtaa dalka Yemen.

Faallooyin