Dibad bax ka dhacay Nairobi oo saameyn dhanka Ganacsiga ah ku yeeshay xaafada Islii

Waxaa Degan Xaalada Qeybo Ka Mid ah magaalada caasimada ah ee nairobi kadib markii banaan bax balaaran ay dhigeen afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay Ganacsatada loo yaqaan waratada ee ku ganacsada degmooyinka Kamakunji iyo Strehe oo ku yaal caasimada dalka kenya.

Dibad baxyadaan oo ahaa kuwo rabshada wata ayaa yimid kadib markii ay ka dhega adeegeen waratada amaro kaga yimid ciidamada police-ka ee aan hubeysneyn ee dowlad goboleedka Nairobi kaasi oo ahaa in ay baneeyaan Goobaha u dhow wadooyinka iyo afaafka hore daaraha waaweyn ee Ganacsiga.


Ganacsatada Banaan baxa Dhigayay ayaa Waxaa ay Ka Kala Yimaadeen Suuqyada Muthurwa, Marikiti iyo Wakulima oo Dhamaantood ah suuqyada ay ku Ganacsadaan Waratada.

Banaanbaxii xalay fiidkii ka dhacay degmada Srehehe oo Daris La ah xaafada somalida ay degto ee islii ayaa waxaa ku dhaawacmay mudanaha aagaasi aagaasi mr Charles Njagua.


Dhaawaca Xildhibaankan ayaa yimid kadib markii uu ka qeyb qaatay Dibad bixii shalay oo ay banaan baxayaashu isbuurteen kadib howlgalo ay sameyeen ciidamada Police-ka dowlada goboleedka Nairobi.

Somalida ku Ganacsata xaafada islii ayaa iyaga Laftooda waxaa ay kenyanka kale ee dalkaasi kala siman yihiin in aysan heysan suuq ay ku ganacsadaan taaasi oo keenta in xilyada galabkii ay wadooyinka ku ganacsadaan.

Si Kastaba Ha ahaatee Dibad baxyada Rabshada Watay ee Ka Dhacay 24 Saac ee La soo Dhaafay Magaalada Caasimada ah ee Nairobi ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay maanta isku socodkii ganacsiga iyo gaadiidka ee xaafada somalida degto ee islii.

Faallooyin