Ololaha Cudurka Dabeysha oo Ka Bilowday Gobolka Waqooyi bari kenya

Ismaamulada Garissa Wajer Mandera oo Ka Tirsan Gobolka waqooyi Bari ee Kenya ayaa waxaa ka bilowday Ololaha Talaalka Cudurka Dabeysha ee loo yaqaan Polio kaasi oo kumaan Caruur ah ay Ka Faa,ideysan Doonan.


Ismaamul Goboleedka Mandera oo u dhow xadka ay wadaagaan Kenya iyo somalia ayaa Waxaa Mashruucaan Talaalka ka faaideysan doona 205,000 kuwaasi oo da,dooda ka yartahay 5 sano.

Xoghayaha wasaarada caafimaadka ee ismaamulka mandera mr Ahmed Sheikh ayaa waxaa uu sheegay in talaalkaaan ay ka faa,ideysan doonaan 11 dowlad goboleed oo ku yaal gudaha kenya si cudurkaan looga hortago.

Mr Sheikh ayaa waxaa uu intaa ku daray in ay guri kasta ay tagi toonaan si ay u xaqiijiyaan in caruurta ay helaaan talaaalka cudurka dabeysha.

Dhanka Kale waxaa uu sheegay in ismaamulka Mandera ay wajaheyso xaaalado dhanka marar ka qaar dhaceysa in aysan gaarin degaanada u dhow xadka somalia iyo in dadka xoola dhaqatada ah ay qaarkood u talaabaan somalia iyo itobiya taasi oo keeneysa in uusan mashruucaan marar qaar uusan sidii loo baahnaa u hirgalin.

Ololahaan talaalka cudurka dabeysha ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo sanadaan aynu ku gudo jirno kiis cudurkaan la xiriira caruur ku dhaqan xaafada islii ee magalada nairobi.

Faallooyin