Dowlada Uganda oo Dib u eegis ku sameyneysa Sara u Kac Laga Dareemay Isticmaalka Baraha Bulshada

Banaanbaxyo Balaaran oo looga soo horjeedo canshuur kordhin aay sameysaay dowlada ayaa waxaa uu ka dhacay guud ahaan wadanka ugand gaar ahaan magaalaada caasimada ah ee kampala.

Shacab u badnaa dhalinyaro ayaa dhigay dibaad baxaan oo ay kaga soo horjeedaan canshuur kordhin ay dowlada dalkaasi saartay issticmaalka baraha bulshada iyo laacagaha la isugu diro taleefanada Gacanta.

Police-ka ayaa dibad baxayaasha ku kala Eryay sunta dadka ka ilmeysiisa ee loo yaqaan Tear gas si xaalada Gacanta Loogu soo celiyo.


Ra'isul wasaaraha dalka Uganda Mr Ruhakana Rugunda oo ka hadlaay Arintaan ayaa waxaa uu sheegay in dowlada ay arintaan kulamo ka yeelan doonto si markale ay dib u eegis loogu sameeyo.

Xubnaha Barlamaanka uganda ayaa 19 Bishan July waxaa ay kulamo ka yeelaan doonaan Canshuurta Dheeriga ah oo ay Dowlada Saartay Isticmaalka Baraha Bulshada iyo Lacagaha La isugu Diro Taleefanada Gacanta.


Sharcigaan Canshuur kordhinta ah oo baarlamaanka meel mariyeen bishii may ee sanadaan ayaa waxaa uu saameeyay dadka isticmaala baraha bulshada qeybahooda kala duwan sida Facebook, WhatsApp, Twitter dadka alaabaha ku iibsada qaabka Online ah iyo adeega taalefaanada ee laacagaha la isaga diro.


Afhayeenka Barlamaanka Dalka Uganda Mr Chris Obore difaacay Go,aanka Lagu Kordhiyay waxaa uuna sheegay in dhalinyaarada qaar ay u isticmaaalaan aaladaha canshuurta lagu kordhiyay aflaagaaado ka dhan ah maadaxweynaha Uganda.

Madaxweynaha Wadanka Uganda yuweri Museveni ayaa maamulayay dalkaasi tan iyo sanadii 1980-kii ,waxaana mudooyinkii daanbe sii kordhayey dhaleeceyn ay siyaasiyiintaa mucaaaradka iyo dhalinyarada ay u marinayeen baraha bulshada oo ah in taalada uu kaligii isku soo koobay waqti badan.

Faallooyin