Qaxootiga somalida ee ka soo jeeda Itoobiya oo soo dhaweeyay Talaabadii Lagu sii daayay maxaabiis ku xirnaa itoobiya

Shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha kenya ee ka soo jeeda dhulka ismaamulka somalida itoobiya ayaa waxaa ay soo dhaweeyeen in la sii daayo dad ku xirnaa xabsiga lagu magacaabo Jail Ogadenia ee ku yaal wadanka itoobiya gaar ahaan magaalada Jig Jiga.

Maalintii Shalay ayaa la sii daayay dad boqolaal ah oo qaarkood mar hore ay ka sabreen in ay arki doonaan iyaga oo nool kuwaasi oo ku xirnaa xabsigan oo ay maamulayeen ismaamulka somalida itoobiya.

Talaabadaan ayaa waxaa ay sheegeen mid u ah guul u soo hoyatay waxaana ay ku amaaneen Ra'isul wasaaraha cusub ee Itoobiya mr abiye axmed.


Maxaabiista ooda Laga Qaaday ayaa waxaa ay kaga mahad celiyeen alle subxaana watacaalaa maadama ay sheegeen in qaarkood ay rajadooda dhimatay xilli waqti kasta ay la kulmi jiren Jirdil xoogan oo kaga imaanayay ilaalada Xabsiyada.

Hey,ada u dooda xuquuqad aadanaha ayaaa horay waxa ay horay u sheegeen in aansi wanaagsan loola dhaqmin maxaabiista ku xiran Jail Ogadenia,inkastoo maamulka Madaxweyne Abdi Mahamud omar uu horay u beeniyay eedaha loo jeediyay.

Lama Oga in dadka soomaalida ah ee ku dhaqan Gudaha Kenya ay dib ugu laaban doonaan wadanka itoobiya kadib isbadalada muuqda ee dhacay walow Qaarkood ay shegeen in ay Rajeynayaan dib ugu laaabashada degaanadii ay ka soo barakaceen sanaado badan kadib.

Faallooyin