Askar Ka Tirsan Police-ka Kenya oo Lagu La,yahay Weerarkii Ka Dhacay Xalay Degaanka Hamey ee Degmada Dadab

Fafaahin Dheeraad ah ayaa waxaa ay Ka soo Baxeysaa weerar ay dagaal yahano taabacsan ururka Al shabab ay ka geysteen degaanka Hamey ee dhacda degmada Dadab ee dowlad goboleedka Garissa oo dhowr kiilo mitir u jirta xadka ay wadaagaan somalia iyo kenya.

Taliyaha Ciidamada Police-ka ee ismaamulka Garissa Mr David Kerina ayaa waxaa uu sheegay in weerarkaan uu dhacay 2 Habeenimo ee xalay,isaga oo intaa raaciyay in dagaal yahanada ay dhowr jiho saldhiga ka soo weerareen.


Mr Kerina ayaa waxaa uu sheegay in Saraakiil Ka Tirsan Ciidamada Maamulka ee Loo Yaqaan AP-da Kenya Lagu Layahay kuwaasi oo baadi Goobkooda uu socdo.


Weerarkaan ayaa waxaa uu sheegay in Afar Askari ay ku Dhaawacmeen Kuwaasi oo Dhaawacooda uusan Darneyn.


Ilo Laga soo Xigtay Police-ka ayaa waxaa ay sheegeen in ay ka warqabeen weerarkaasi si xoogan na ay isaga Difaaceen kadib digniin ay soo saareen sirdoonka Kenya.


Dagaal yahanada Ururka Al shabab ayaa weeraro ka Geysanayay Mudooyinkii La soo Dhaafay Degaanada u Dhow xadka somalia iyo kenya.

Askartan La Layahay ayaan La Ogeyn in ay La Tageen Dagaal Yahanada Al Shabab iyo in kale walow dadka degaanka ay sheegayaan in ay suura Gal Tahay in Lala Tagay Askartaasi.

Khamiistii Todobaadkii La soo dhaafay ayaa shan askari oo ka tirsanaa ciidamada police-ka waxaa ay ku dhaawacmeen Miino Lagu aasay wadada Qarkeeda oo ka Dhacday Degmada Ijara ee Dowlad Goboleedka Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya.

Faallooyin