Mareykanka oo soo Dhaweyay Heshiiska Ethiopia iyo Eritrea ay Gaareen

Xukuumada Mareykanka ayaa waxaa ay aad u soo dhaweysay heshiiskii Taariikhiga ahaa oo ay Gaareen Dowlada Wadanka Ethiopia iyo Eritrea oo lagu dhameyay colaad labada dal u dhaxeysay 20 kii sano ee la soo dhaafay.


Xoghayaha Arimaha Dibada mareykanka Mark Pompeo ayaa sheegay in Mareykanka uu aad u soo dhaweynayo heshiiska ay gaareen Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra'isul wasaaraha Ethiopia Abiye Ahmed.


Warka Ka soo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale Lagu sheegay in ay sii wadi doono dadaalada nabada ee labada dowladood si uu u soo laabto Xiriirka Ganacsi iyo bulsho ee labada Dal.

Hogaamiyaha Cusub ee Wadanka Ethiopia ayaa Lagu amaanay Siyaasada Furan ee uu la yimid taasi oo keentay in laga Dareemo dalalka kale ee Dariska La ah Dalkaasi.

Dhanka Kale shacabka Ku Dhaqan Caasimadaha Asmara iyo Adis Ababa ayaa aad u soo Dhaweyay Talaabadan waxaana dhowaan la filayaa in uu Bilowdo isku socodka Labada Dal Gaar ahaan duulimaadyadii diyuuradaha labada dhinac.

Faallooyin