11 Ruux oo ah Koox Dhalinyaro Cayaarta Kubada Cagta oo ay soo Badbaadiyeen Kooxaha Gurmadka Thailand

Sadex Ruux ayaa Laga soo Badbaadiyay God ay ku Jireen oo Dhulka Hoostiisa Wadanka Thailand Taasi oo Ka Dhigeysa in 11 Ruux ay Gaartay dadka la soo badbaadiyay kuwaasi oo maalmihii la soo dhaafay baadi goob loogu jiray raqdooda iyo ruuxdooda.

Dadkaan oo Biyaha La Tageen ayaa Waxaa ay Ka Mid ahaayeen 18 Ruux oo koox Dhalinyaro kubada Cagta ah oo 18 Maalmood Ka Hor ku xanibmay Godka iyadoo shaqaalaha Gurmadka Deg Deg ah ay Wadaan Baadi Goobka Loogu Jiro.

in Ka Badan laba cayaartoy iyo tababarahooda oo 25 sano Jir ah ayaa Waxaa la aaminsan yahay in ay ku Jiraan Dhulka Godka .waxaana Rajo Laga Qabaa in La soo Badbaadiyo iyadoo kooxaha Gurmadka Deg Deg ah ay adeegsanayaan Qalab isku Xiraya kaasi oo Fududeynaya In La Helo dadkaasi.

Shaqaalaha Wada badbaadintaan ayaa la sheegay in howshooda ay adkeysay Biyaha Badan ee ku Jira Dhulka Hoostiisa Waxaana ay Wali Wadaan Howlgalada Samata Bixinta.


Roobabka Ka Da,ay Wadanka Thailand Dhankiisa Waqooyi ayaa Waxaa uu saameyn ku yeeshay Degaano Badan oo Qaarkooda ahaa Goobo Taariikhi ah oo ay Dalxiisayaasha Reer Galbeedka ay Booqdaan waxaana Degaanada Qaar Goay dhulku.

Faallooyin