Deg:Deg Ah Dagaal Yahano Taabacsan Shabab oo Weeraray Fariisin ay ku sugnaayeen Police-ka Kenya

Wararka Inaga soo Gaaraya Degaanka Hamey ee Hoostaga Waaxda Liboi ee Degmada Dadab ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa Waxaa ay Sheegayaan in Dagaal Yahano Gacan Saar La Leh Ururka Al Shabab ay Weerareen.



Dagaal Yahanada Aya La sheegay in weerarkaan oo Dhacay Saqdii Dhexe ee Xalay ay Qoryaha Daran Dooriga u Dhaca La Bartilmaameed Sadeen Saldhig ay Degaankaasi Kaga Sugnaayeen Ciidamada Police-ka Kenya.

Lama Oga Ilaa iyo Hada Qasaaraha Rasmiga ah ee Ka Dhashay inkastoo Wararka aynu ka Heleyno Ilo Degaanka ah ay Sheegayaan in askar Ka Tirsan Police-ka Kenya ay ku Dhaawacmeen.

Wixii Warar ah ee Ku soo Kordha Kala Waxaad Kala Socon Doontaan Wararka Yaga Danbo Insha,alah.

Faallooyin