Kobaca Dhaqaalaha Dalal Dariska La ah Suuriya oo La Filayo in uu Kordho Kadib Dagaaladii Ka Dhacay Koonfurta Dalkaasi

Howlgaladii ugu danbeeyay oo ay dowlada suuriya ka sameysay gobolka koonfureed ee dalkaasi labdii todobaad ee la soo dhaafay ayaa la filayaa in uu soo celiyo kobicii dhaqaalaha ee dalalka dariska la ah wadanka suuriya.


Xadka ay wadaagaan suuriya iyo Jordan ayaa waxaa uu marin muhiim ah u yahay Ganacsiga isaga kala gudba Turkiga Lubnan Jordan iyo Jasiiradaha Carabta.


Kobaca Dhaqaalaha ee wadanka Jordan ayaa waxaa La sheegay in ay si Gooni ah Muhiim ugu Tahay Arintaan iyadoo Dalkaasi haatan uu Marti Galinayo Qaxooti dhan 650,000 oo ka soo barakacay Amni Xumida Ka Jirta Suuriya.

Qabiirada wax taxliiliya ayaa qaba in dib u furitaan xadka Naseeb-Jaber oo ay wadaagaan Jordan iyo suuriya uu muhiim u yahay kobaca dhaqaalaha Jordan.

Faallooyin