Walaac Xoogan oo Laga Muujinayo Iskuulada Lagu Gubayo Kenya

Waxaa sii kordhaya Tirada iskuulada Lagu Gubayo Gudaha Dalka Kenya oo Bishii La soo Dhaafay Ka Taagneyd Dalkaasi iyadoo qeybaha kala duwan ee bulshada ay arintaan hadal hayaan.

Ugu Yaraan 17 School ayaa dab qabsaday 9 kii maalmood ee la soo dhaafay kuwaasi oo badi lagu eedeyay ardada,iyada oo arintaan ay waalidiinta ilmahooda ay ku dhigtaan iskuulada La seexdo ee loo yaqaan Boarding-ka ay walaac ku abuurtay arintan.

Maalin ka hor ayaa waxaa albaabada la isugu dhuftay sagaal iskuul oo ku yaal gobolada kenya kadib markii ardada qaar ay sameyeen kacdoon waxaana ay keentay in maamulada iskuuladaas ay go,aan sadaan in albaabada La isugu dhufto,iyada oo police-ka ay bilaabeen baaritaano La Xiriira Arintaan.


Ka sokow Qiimaha hantida ku burbureysa Gubashada iskuulada ayaa waxaa hadana waxaa ay dhacdooyinkaan imaanayaan iyada oo ardada kenya ee dugsiyada sare ay heystaan sadex bilood si ay ugu fadhiistaan imtaxaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada Sare ee loo yaqaan KCSE.

Xarumaha police-ka ayaa hada waxaa ku xiran 125 arday oo loo heesto falal la xiriira gubida waxaana ay dowlada kenya wacad ku martay in sharciga ay la tiigsan doonto ardaygii lagu helo in uu qeyb ka yahay gubida iskuulada.


Wasiirada waxbarashada kenya Amina Maxamed Jibril ayaa waxaa ay sheegtay baaritaano hordhac ah oo ay sameyeen ay cadeyneyso in gubshada iskuulada ee dib u soo laabtay ay jawab ay bixinayaan arday imtaxanadooda daaqada looga tuuray sanadii la soo dhaafay sababo lala xiriiriyay falal qish ah oo ay ku kaceen.

Faallooyin