Trump oo Magacaabay Garsooraha Maxkamada Sare ee Mareykanka

Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Donald Trump ayaa u Magacaabay Garsooraha Maxkamada Fedaraalka Mr Brett Kavanaugh in uu Noqdo Garsooraha Maxkamada sare ee Dalka Mareykanka.


Mr Kavanaugh ayaa Badal Waxaa uu u Noqon Doonaa Garsoorihii Maxkamada Sare Dalkaasi oo shaqada Ka Tagay.


Mr Trump oo xilkaan cusub habeenimadii xalay oo isniin aheyd magacaabay ayaa waxaa uu sheegay in ay tahay mid sharaf iyo mudnaan u ah Mr Kavanaugh.

Ninkaan oo 53 Jir ah ayaa Waxaa uu xilkaan ugu sareeya maxkamada sare heyn doonaa shanta sano ee soo aadan,iyadoo ay noqon doonto markii labaad oo loo magacaabo mr Kavanaugh xilalka ugu sareya maxkamada mareykanka.

Mr Kavanaugh ayaa waxaa uu markale dagaal ka dhex dhalin doonaa xubnaha dimuquraadiga iyo jamhuuriga ee golaha aqalka odayaasha ee Senat-ka Mareykanka si loo Ansixiyo.


Mr Anthony Kennedy oo horay u ahaa Garsooraha Maxkamada Sare ee Mareykanka ayaa 27-dii bishii June ku Dhawaaqay in uu howlgab Noqonayo kadib Markii uu garay da,da 81 sano Jirka.

Faallooyin