Jaban oo wali Wada Baadi Goobka Loogu Jiro Dad Lagu La Yahay Fatahaado Ka Dhashay Roobka

Ra'isul Wasaaraha Wadanka Jaban Mr Shinzo Abe ay Hakiyay safar uu kaga bixi Lahaa Dalkiisa,kadib Kororka ku Yimid dadka u Geeriyoonaya Fataahada ka dhalatay Roobka Xoogan ee ka Da,aya Jaban.


Mr Abe ayaa La Filayay in uu safar ku Gaaro afar dal oo kala ah Belgium, France, Saudi Arabia iyo Egypt,Balse arintaan ayaa ilaa iyo hada si rasmi ah waxaa war kaga soo saarin Xafiiska Ra'isul Wasaaraha Jaban.


Dhanka Kale Xoghayaha Guud ee Xisbiga Liberal Democratic Mr Toshihiro Nikai ayaa Warfidiyeenada u sheegay in safarka Hogaamiyaha ugu sareya Jaban uu u Hakaday Masiibada Qaran ee ku Dhufatay Galbeedka Dalkaasi.



Sida Laga soo Xigtay Mr Abe ayaa u balan Qaaday in dowladiisa ay taageero muuqda u sameyn doonto dadka ku nool degaanada ay saameysay Fatahaada Biyaha.


Dhanka Kale Kooxaha Gurmad deg deg ah ayaa waxaa ay wali wadaan Baadi Goobka Loogu Jiro Dadka Lagu La,yahay Degaanada ay Fatahaadahu Ka Dhasheen.

Faallooyin