Itoobiya iyo Eritariya oo Gaaray Heshiis Taariikhi ah

Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa si wadajir ah waxaa ay shaaca kaga qaadeen in uu idlaaday dagaalkii u dhaxeeyay labada dowladood kadib wadahadal dhexmaray hogaamiye yaasha labada dowladood oo ka dhacay caasimada Asmara.


Labada dhinac ayaa waxaa sidoo kale ay ku heshiyen in dib loo howlgaliyo safaaridhii ay ku kala lahaayeen caasimadaha Adis ababa iyo asmara si dib boorka looga jafo xiriirka ay labada dhinac lahaayeen.

Heshiiska ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa hormarinta dhaqaalaha iyo dekadaha.
Kulankaan Taariikhiga ah oo lagu gaaray heshiiskaan ayaa waxaa uu soo afmeerayaa dagaalkii qaboobaa ee dhanka xuduudaha ee u dhaxeeyay Maamulada Adis iyo asmara.


Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumada Eritrea Mr Yemane Gebremeskel ayaa waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan Talaabada loo qaaday nabada oo ay dowlada itoobiya qaadatay.

Faallooyin