Switzerland oo Ka Taageereysa Kenya La Dagaalanka Musuq Maasuqa

Madaxweynaha Dalka Switzerland Alain Berset ayaa booqasho ku Gaaray wadanka Kenya Isaga oo kulamo La Qaatay dhigiisa mr uhuru kenyatta oo ay ka wada hadleen waxyaabo badan oo ay ka mid tahay xoojinta xiriirka labada dowladood.


Waxyaabaha ugu muhiim sanaa ee labada dhinac kala saxiixdeen ayaa waxaa ka mid ah in Switzerland ay kenya ka taageerto soo celinta lacaga ay madaxda iyo ganacsatada kenya u taal Bankiyada Dalkaasi ee lagu helo Musuq maasuqa.


Mr Alain Berset ayaa sheegay in ay ka go,antahay dowladiisa in ay xoojiso xiriirka kala dhaxeeya kenya iyo sidii ay gacan kaga geysan laheyd ka guuleysiga musuq maasuqa hareyay dalkaasi.
Mr Kenyatta ayaa dhankiisa kaga mahad celiyay dowlada uu hogaamiyo mr Berset xarunta lagu barto dalxiiska ee Utali College.


Dowlada Switzerland ayaa horay mashaariic badan waxaa ay kaga Fulisay wadanka kenya waxaana ka mid howlaha biyo galinta ah oo ay ka wado degaanada ku yaal dhulka oomanaha ee loo yaqaan ASAL.

Faallooyin