Madaweyne Ordogan oo Wacad ku Maray Hormarinta Dalka Turkiga

Madaxweynaha Wadanka Turkiga Mr Rajab Tayyip Erdogan ayaa Bogaadiyay Taariikhda Bilowga Cusub ee Dalkaasi uu Taariikhda Ka Galay Xili uu Maanta Ka Hadlay Xaflada Dhaarinta.


Isaga oo ka hadlay Munaasabada Caleema saarka ayaa Wuxuu sheegay in uu ku dadaali doono Horaminta Dalkiisa Mudada uu Xilka hayo.

Waxaa uu sheegay in uu si gaar ah farta ugu fiiqay dhinacyada Dumuquraadiyada xuquuqda aasaasiga xoriyada dhaqaalaha iyo maalgalinta dalkaasi.


Ordogan oo isaga iyo xisbigiisa ay guul muhiim ah ka soo hooyeen Doorashadii Bishii La soo dhaafay ka dhacday dalkaasi ayaa waxaa uu hadalkaan ka jeediyay qasriga madaxtooyada ee magaalada Ankara.

Xaflada dhaarinta ee maanta ayaa soo gaba gabeysay nidaamkii hore ee barlamaaniga ah ee dalkaasi kadib markii isbadal lagu sameeyay dastuurka turkiga bishii April ee sanadii La soo dhaafay.


Ugu Danbeyn waxaa uu sheegay in Turkiga uu La Jaan qaadi doono Nidaam cusub oo ku saleysan hormarinta dhaqaalaha siyaasada iyo mid bulsho intaba.

Faallooyin