Dowladda Paraguay oo Safaaradeeda Israel u wareejisay magaalada Qudus

Dowladda Paraguay ,ayaa noqotay dalkii 3-aad ee Safaaraddiisa Israel u wareejiya Magaalada Quddus oo ay Israel xoog ku heysato,waxaana ay maanta furtay safaaraddeeda. 

Madaxweynaha dalka Paraguay, Horacio Cartes,ayaa xarigga ka jaray furitaanka Safaaradda Israel ee Quddus, taas oo horay ugu taallay Magaalada Tel Aviv ee caasimadda Maamulka Israel. 

Munaasibadda furtaanka safaaradda waxaa kala qayb galay Ra’isal wasaaraha Maamulka Israel Benjamin Netanyahu iyo masuuliyiin kale oo u dhashay Israel. 

Wasiirka amniga dadweynaha ee Israel  Gilad Erdan,oo Madaxweynaha Paraguay,  Horacio Cartes ku qaabilay Garoonka diyaaradaha Ben-Gurion International Airport,ayaa sheegay in tallaabada ay qaadday dowladda Paraguay tahay mid ku dayasho mudan. 

Dr . Hanan Ashrawi, oo ah madaxaha fulinta Ururka Xoreynta Falastiin ee PLO ayaa dowladda Paraguay ugu baaqay in ay ka laabato go’aanka ay safaaraddeeda ugu wareejisay Quddus oo ah Magaalo Gumeysi gacanta ugu jirta. 

Horay waxaa safaaradahooda Tel Aviv ugu wareejiyay Magaalada Quddus,waddama Mareykanka iyo Guatemala,kuwaas oo ka mid ah waddamada sida weyn u taageera Israel. 

Dunida Muslimka ayaa si weyn looga cambaareeyay go’aanka uu Mareykanka safaaraddiisa Israel ugu wareejiyay Magaalada Quddus.

Faallooyin