Dad Ka Badan oo ku Dhex Go,doonsan Beeraha Garissa oo Codsaday in La Badbaadiyo

Waxaad Fataahaad Sameyay Wabiga Tana River ee Mara Magaaladatan Garissa iyo Degmada Balmbala oo ay Ku Yaalaan Dhul Beereedka ugu Badan ee ismaamulkan Garissa ee Gobolka waqooyi bari kenya .

Xaafadaha Sheikh Kamoor iyo Khadiim oo Dhamaantood Qarka Ka saaran Wabiga ayaa Dadkii Deganaa ay isaga Barakaceen Kadib Markii Guryahooda ay Biyaha u Galeen.

Kawaanka Lagu Qolo Xoolaha Garissa oo Loo Yaqaan Kajinjo ayaa isna ay Biyaha Galeen iyadoo Maanta Hilib La,aan ay Ka Jirto Magaalada Garissa.

Wakiilka Laga soo Doorto Waxaad Galbed Mudane Abdirizack Eyey oo La hadlay Universal Goordhow ayaa sheegay in isaga iyo Barasaab ku Xigeenka ismamulka Garissa Mudane Abdi dhaqane Maxamed ay Booqan Doonaan Xaafadaha ay Fatahaadu Saameysay si buu Yiri ay u soo Indha indheeyaan si loo ogaado Baahida iyo baaxada ay Gargaar ahaan u Baahan yihiin Shacabka.

Waaxda Iftin ee iyadana Dhacda Bartamaha Garissa ayaa Waxaa Ka Barakacay Dadkii ka agdhowaa Wabiga Kadib Markii ay Saameyeen Biyaha

Dhanka Kale Wararka Inaga soo Gaaraya Degmada Balmbala ee Dowlad Goboleedka Garissa ayaa Waxaa ay sheegayaan in Dad isugu Jira Milkiilayassha Beeraha iyo shaqaalahooda ay ku Dhex Go,doonsan Yihiin Gudaha Beeraha.

Dadkaan ayaa Tiradooda Lagu sheegay in ay ka badan tahay 50 Ruux ayaa saaran Geedaha Dushooda Waxaa ay Saacadihii La soo Dhaafay ay ku Baarugeen Biyaha oo Dul Sabeynaya Dushooda.

Beerta Wadajir ayaa Waxaa ku Xaniban 30 Ruux Halka Beerta Qaahira Tirada Dadka Ku Dhex sugan ee Ka soo Bixi La ay Yihiin 19 Ruux Waxaa intaasi Dheer in Waaberi ay Dhex Go,doonsan Yihiin 3 Ruux Kuwaasi oo Geedaha Saaran.

Dhanka Kale Wararka aynu Ka Heleyno Beeraha Ku Yaal Waaxda Sakha ee degmada balmbala ee isla ismaamuulka Garissa ayaa Waxaa ay sheegayaan in Laba Ruux oo ka shaqeynayay Beerahaasi ay ku Dhex Go,doon san yihiin labadii maalin ee la soo dhaafay Kuwaasi oo Cunadii ay Heesteen ay Ka Go,day.

Dadkaan Go,doonsan ayaa Waxaa Noo Xaqiijiyay Mid Ka Mid ah Beeraleyda Garissa ahna Gudoomiyaha iibka xoola Dhaqatada Dalka Kenya Mr Dubat Ali Amey.


Mr Dubat ayaa Dhanka Kale ugu Baaqay Dadka in aysan Yareysan Dhibaatada ayna Ka Fogaadaan Degaanada ay suura Gal ka Tahay in ay Fatahaadu soo Gaarto.

Fatahaada uu Sameyay Wabiga Tana River ee dalka Kenya ayaaa Waxaa loo sababeynayaa iyadoo Mid Ka Mid ah Biyo Xireenada shanta ah ee Kenya la sii daayay markii uu buux dhaafiyay sababa La Xiriira Roobabka Ka Da,aya Dalkaasi

Faallooyin