Madaxa Golaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya oo Si Cad Kaga Hadlay Kulankii Laga Hor Istaagay Abdirahmaan Abdishakur in uu ku Qabto Nairobi

Madaxa Golaha Aqlabiyada Barlamaanka Kenya Mudane Aden Bare Ducale ayaa Ka Hadlay Sababtii Maanta Looga Hor istaagay Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Mr Abdirahmaan Abdishakur uu ku Qaban Lahaa Magaalada Nairobi.

Mr Du,aale ayaa Waxaa uu sheegay in Dowlada Kenya aysan Ogolaan Doonin in Xisbi Ajnabi in olole Siyaasadeed uu ku Qabto Magaalada Nairobi oo Ka Dhan ah Dowlada somalaia.


Xildhibaanka Garissa ayaa Laamaha amniga ugu baaqay in ay Ka Hortagaan Kulan siyaasadeed Kasta oo Ka Dhan ah Xukuumada somalia.


Mr Du,ale ayaa oo Ka Hadlay in ay Dowlada somalia ay Ka Codsatay in Shirkaan Hakiso iyo in Kale ayaa Sheegay in aysan Jirin Codsi Kaga Yimid Somalia Balse ay Tahay Waajib Dastuuri ah oo Saaran Dowlada Kenya.

Dhanka Kale Abdirahmaan Abdishakur ayaa isna Facebook Giisa Qoraal uu Ku Soo Qoray ku eedeyay Fashilka Kulankaan Madaxweynaha Dowlada somalia Maxamed Abdulahi Farmaajo.


Ugu Danbeyn Du,ale ayaa ugu Baaqay asxaabta Siyaasadeed ee somalia in Gudaha somali ay ku Qabtaan Kualamada Ceynkani oo Kale ah.

Faallooyin