Police-ka Kenya oo Siyaasi Abdirahmaan Abdi Shakuur Ka Hor istaagay Xaflad uu Kaga Qeyb Gali Lahaa Magaalada Nairobi

Xukumada Dalka Kenya ayaa Hakad Galisay Madal Maanta La Filayay in Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Abdirahmaan Abdi Shakuur uu ku Qabto Magaalada Nairobi.

Lama Oga sababta Loo Hakiyay Kulankaan oo La Filayay in uu Ka Qabsoomo Xarunta Sir Ali Muslim Club oo Dacalka Ku Heysa Xaafada islii ee Magaalada Nairobi.

Arintaan ayaana Imaaneysa iyadoo Dowlada Kenya ay Mudooyinkaan Digniin u Jeedineysay Siyaasiyiinta Mucaaradsan Dowlada Somalia.

Madaxa Golaha Aqlabiyada Barlamaanka Dalkan ahna Xildhibaanka Bartamaha Degmada Garissa Mudane Aden Bare Du,ale ayaa Horay u Sheegay Marar Badan in aysan Dowlada Kenya Raali Ka ahaan Doonin Kulamo Ka Dhan ah Jirirataanka Xukuumada Somalia in Lagu Qabto Magaalada Nairobi.

Abdirahmaan Abdishakur ayaa Horay Waxaa Xabsi Ku Yaal Muqdisho ku Xiray Ciidamada Amniga Dowlada somalia Kadib Markii Lagu eedeyay in uu Ku Howlanaa Qaran Dumis sida ay Saraakiisha Dowlada somalia Sheegeen Walow Markii Danbe La sii Daayay Kadib Markii Maxakamada Gobolka Banaadir ay sheegtay i Cadeymo Loo Waayay.

Mudane Abdirahman Abdishakur iyo Ra,isul Wasaarihii Horay u soo Maray Somalia Mr Omar Abdirashiid Ali Sharmarke ayaa Lagu Tuhmaa in ay Xiriir Dhow ay La Leeyihiin Dowlada Imaaradka Carabta oo si weyn uga soo Horjeeda Hanaanka Siyaasadeed ee Xukuyumada uu Hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Abdulahi Farmajo.

Faallooyin