Barlamaanka Zimbabwe oo u Yeeray Madaxweynihii Hore ee Dalkaas Mr Rpbert Mugabe

Barlamaanka Wadanka Zimbabwe ayaa Waxaa ay u Yeereen Madaxweynihii Hore ee Wadankaasi Mr Robert Mugabe si uu Kaga Jawaabo Lacago Malaayiin oo Shilinka Dalka Waqtigii uu Hayay Talada Dalkaasi.


Mr Mugabe ayaa Barlamaanka Ka Doonayaan Bisha soo socoto in uu Cadeymo muuqda u Keeno Habka Loo Maareyay Lacagtaasi oo La Sheegay in ay Badi aheyd dahabka Laga soo Saaray Dalkaasi.


Gudoomiyaha Gudiga Macdanta iyo Tamarta u Qaabilsan Xubnaha Barlamaanka Uganda Mr Temba Mliswa ayaa Waxaa uu sheegay in Kadib Kulan ay Qaateen shalay ay ku Casuumeen Madaxweynihii Hore in uu Ka soo Hormuuqdo Gudiga Sagaalka Bisha soo aadan.


Mugabe Waxaa Lagu Tuhmayaa in uu Jeebka ku shubtay Lacag Dhan 15 Billion oo Dolar iyadoo Looga Fadhiyo in uu Ka Jawaabo Su,aalaha Barlamaanka Dalkaasi.


94 Jirkaan ayaa Sanadii 2016-kii Waxaa uu Sheegay in Dheeman Qiimahiisa uu Dhan Yahay 15 Billion uu Lumiyay Sababa La Xiriira Musuq Maasuqa uu ku eedeyay Dalalka Dibada.


Hogaamiyihii Hore ee Xisbiga Haya Talada Dalka Zinbabwe ee Zanu-PF oo Qabtay Jagada Madaxtinimo Sanadii 1980-kii ayaa Sanadii La soo Dhaafay Waxaa Jagada Ka Qaaday Milatariga Dalkaasi.


Waxaa uuna Xilka Madaxtimo uu Tartamay Marar Badan iyadoo Doorashooyinkii uu ku Guuleystay badi lagu eedeyay in aysan cadaalad u Dhicin.

Faallooyin