Mareykanka oo Wacad ku Maray in Ciidamadiisa uusan Ka soo Saari Doonin Suuriya

Dowlada Mareykanka ayaa Waxaa ay Shaacisay in ay Ciidamadeeda Ka Saari Doonin Gudaha Dalka Suuriya Ilaa iyo Laga Xaqiijinayo Yoolka Laga Leeyahay oo Sida ay Sheegtay Safiirka Mareykanka u Fadhiya Qaramada Midoobay Ms Nikki Haley.


Sida Laga soo Xigtay Mr Heley Ciidamada Mareykanka ee Suuriya ayaa Danaha Loo Geeyay Halkaasi Waxaa Ka Mid ah in ay Ka Hortagaan Adeegsiga Sunta Qatarta ah oo Ciidamada suuriya La sheegay in ay u Isticmaalayaan Rayidka.

In La Cirib Tiro Kooxda La Magac Baxday Dagaal Yahanada Dowlada Islaamka ee ku sugan Dalalka Suuriya iyo Ciraaq iyo in Mareykanka uu si Dhow ula Socda Dhaq dhaqaaqa Xukuumada Iran oo Mareykanka Ku eedeyay Marar Badan Sameysashada Hubka wax gumaada ee Nyuklear-ka Loo Yaqaan.


Ms Nikki Haley ayaa ugu Danbeyn Sheegtay in Xukuumada Washington ay Dooneyso in Ciidamadeeda ay Dalkooda ku Guryo Noqdaan Balse Waxaa ay sheegtay in aysan Haatan Dhaceyn Ilaa iyo Danaha suuriya Loo Geeyay Laga Gaarayo.

Hadalkaan ayaa Ku soo aadaya iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Mr Donald Trump uu Wacad Ku Maray In Xukuumada suuriya uu Kala Xisaabtami Doono Talaabadii ay Ciidamadeeda Dadka Rayidka ah ee ku sugnaa Douma Todobaad Ka Hor ugu adeegsatay Sunta Qatarta ah ee Loo Yaqaan Chemicalka-ka.

Faallooyin