Kenneth Matiba oo u ololeyn Jiray Dimuquraadiyada Kenya oo Ku Geeriyooday Magaalada Nairobi

Mr Kenneth Matiba oo horay ugu soo dagaalamay Dimuquraadiyada Dalka Kenya ayaa Waxaa uu Ku Geeryooday Magaalada Nairobi Fiidnimadii Caawa Sida ay Xaqiijisay Gabadhiisa oo Lagu Magacaabo Ivy Matiba.


Mr Matiba ayaa Todobaadyo Ka Hor La Dhigay isbitaalka Karen Sida uu sheegay Madaxa isbitaalkaasi Dr Dan Gikonyo.


Waxaana Mar ka uu Geeriyoonay ku sugnaa isbitaalka Xubno Ka Mid ah Qoyskiisa
Mr Matiba ayaa La Xanuunsanayay Mudooyinkii La soo Dhaafay Cudurka stroke-ga ama Gariirka Loo Yaqaan Waxaana intaasi Dheer in uu Qabay Xanuuno Kale uu Ka Dhaxlay intii uu Ku Xurnaa Xabsiga Kamiti ee Magalada Nairobi Xukuumadii Daniel arap Moi.


Sanadii 1990-kii ayaa Xabsiga Laga sii Daayay Kadib Markii Xukuumadii Moi ay ogolaatay Xisbiyada siyaasada iyo shaqsiyaadka u ololeeya Dimuquraadiyada.


Sanadii 1992-dii ayaa Waxaa uu Kaalinta Labaad Ka Galay Doorashadii Madaxtinimo ee Kenya uu Waqtigaas ku Guuleystay Daniel arap Moi.


Mr Kenneth Matiba ayaa Jagooyin Kala Duwan Waxaa uu Ka soo Qabtay Dowladihii soo Maray Kenya.
Waxaa uu ku Biiray Siyaasada isaga oo Jira 31 Waxaana Bishii May Sanadii 1963, Xoghaya Dhanka Waxbarashada ee Qaarada Afrika.

Faallooyin