Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka oo ay ku adkaatay in ay ku socdaalaan Degaano Ku Yaal Gobolka Waqooyi Bari

Wararka Inaga soo Gaaraya Degaanada ku Yaal Gobolka Waqooyi Bari ayaa Gaar ahaan ismaamulkan Garissa ayaa Waxaa ay Shegayaan in Roobab ka Da,ay Halkaasi ay Saameyeen adeegii Gaadiidka Gurmadka Caafimaadka ee Ampulance-ta Ka Hayeen Degaanada Miyiga ah ay uu Saameyey Roobab Ka Daadadka Xoogan Wata.


Degmada Lagdera Biyo Mareenka ugu weyn ee Mara oo Loo Yaqaan Togweyne ayaa Biyo Badan oo Ka soo Fatahay Waxaa ay Keentay in La isaga Gudbi waayo Deegaanada Qaar.

Gawaari Badan oo Gurmadka Deg Deg ah ayaa Biyaha Dhex Fadhiistay iyadoo Wiil Lix Jir ah aya biyaha ay La Tageen.

Degaanka Shanta Abaq ayaa iyana Dadkii Deganaa isaga Barakaceen Kadib Markii Biyo badan ay Galeen
Ismaamulka Garissa ayaa Looga Baaqay Mas,uuliyinta Laga Soo Doortay in ay Caawiyaan Dadka ku Barakacay Fataahadaha Ka Dhashay Roobabka.

Faallooyin