Wiil Falastiini ah oo Qaxootinimo iyo Curyaanimo isku Biirsatay oo Rajo Ka Muujiyay Tartan Buuro Korid ah

Jarah al-Hawamdeh oo ah Wiil Qaxooti Falastiini ah ayaa Rajo Ka Muujiyay Tartanka Buura Fuulka ah oo uu Ka Qeyb Gali Doono.

Wiilkaan oo Da,diisu Tahay 22 Sano ayaa Qaxootinimada Waxaa u sii Dheer in uu Yahay Curyaan iyadoo Mid Ka Mid ah Lugahiisa uu u Waayay Cudurka Cancer-ka oo Haleelay.

Waxaa uu Wacad Ku Maray in uu Gaari Doono Meesha ugu Sareysa Buurta Everest uuna ku Rajo Weyn Yahay Tartankaasi si uu Dhaqaalaha Uga soo Xaroodu ugu Mareeyo Waxbarashada Qaxootiga Reer Falastin ee ku Dhaqan Jordan kuwaasi oo Tiradooda Tahay 750 Ruux.

Jarah al-Hawamdeh ayaa Waxaa uu Ku Nool Yahay Xero Qaxooti oo Ku Taal Dalka Jordan Waxaa uuna Waxka Baranayay iskuulka Al-Jufe oo ay Gacanta ku Heyso Qaramada Midoobay Balse Mudooyinkii La soo Dhaafay ay Saameyn Ku Yeelatay Dhaqaale La,aanta soo Wajahday Qaramada Midoobay Kadib Gaabis Ka Yimid Dalalka Deeq Bixiye yaasha.

Wiilkaan oo Bilaabay Durba in uu Xarig ku Koro Buurta ayaa Gaaray Cabirka Dhan 5,100 iyada oo Dhirirka Buurta ay Tahay 8,848.

Buurtaan ayaa Waxaa ay ku Taal Xadka u Dhaxeeya Dalalka Nepal iyo Chine.

Jarah al-Hawamdeh oo Qaxootimo iyo Curyaanimo ay isku Biirsadeen Bilowgii Noloshiisa ayaa Waxaa uu Sheegay in Qaxootiga Falastiin ay Xaq u Leeyihiin in ay Soo Bandhigaan Riyadooda Wanaagsan.

Wiil Falastiini ah oo Qaxootinimo iyo Curyaanimo isku Biirsatay oo Rajo Ka Muujiyay Tartan Buuro Korid ah

Faallooyin