Dowlada Kenya oo Hogaamiyaha Mucaaradka u Wakiilatay in uu u Matalo aaskii Winnie Mandela

Hogaamiyaha isbaheysiga Mucaaradka ah ee Dalka Kenya Mr Raila Odinga ayaa Maanta Waxaa uu u Matalay Dalkaasi aaskii Loo Sameyay Marwadii Madaxweynihii Hore ee Dalka Koonfur Afrika Winnie Mandela oo Ka Dhacday Dalkaasi.


Hogaamiyaha Isbaheysiga Nasa ayaa Waxaa Lagu Arkay Isago Xiran Card Qoorta ugu Jira Kaasi oo ay Ku Qorneyd in uu Wakiil Ka Yahay Madaxtooyada Dalka Kenya.


Bishii Maarso ayey Aheyd Markii Kulan ay Magaalada Nairobi Ku Yeesheen Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Hogaamiyaha Isbaheysiga Mucaaradka ah ee Nasa Mr Raila Odinga Kaasi oo Lagu soo Afjaray Dagaalkii siyaasadeed ee Ka Dhashay Doorashadii Kenya Ka Dhacday Sanadii La soo Dhaafay.

Hogaamiye yaashaan ayaa Waqtigaas sheegay in Dan Waliba ay Lahaayeen ay Kaga Tageen Danaha Dalkooda iyo Dadkooda ayna Dib ugu Celineyn Kenya Dhibaato ay Horay uga soo Gudubtay.

Dalalka Midowga yurub Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ayaa soo Dhaweyay Heshiiskaas iyadoo Tan iyo Bishii La soo Dhaafay uu Si aayar ah u soo Noqonayay Ganacsiga iyo Kobaca Dhaqaalaha Kenya.

Faallooyin