Dowlada Ingariiska oo Sheegtay in Ruushka Shantii Sano ee La soo Dhaafay ay Baadi Goob Ugu Jirtay Sergei Skripal

Dowlada Ingariiska ayaa ku eedeysay Sirdoonka Wadanka Ruushka in ay Baadi Goo ugu Jireen shantii sano ee La soo Dhaafay Sergei Skripal oo Horay Kaga Tirsanaa Jiray Sirdoonka Dalka Ruuskha.

Mark Sedwill oo Ka Mid ah La Taliye yaasha Dhanka Amniga u Qaabilsan Dowlada Uk ayaa sheegay oo Warqad Fariin ah u Diray Xoghaya Guud ee Gaashaan Buurta Nato in Baaritaanadii ay Sameysay Uk ay Muujineyso in Ruushka ay Ka Danbeyso Sumeynta Lagula Sargaal Hore oo Ka Tirsanaa Laamaha Sirdoonka Ruushka oo Lagu Magacaabo Sergei Skripal iyo Gabadhiisa.


Dowlada uk ayaa Dhanka Kale ugu Baaqday Nato in ay Ruushka Ku Canbaareyso Falkaasi.
Mark Sedwill ayaa sheegay in Ruushka Aqoon Weyn ay u Leedahay Qaabka Loo Fuliyo Dilalka Loo Adeegsado Sunta iyo Farsamooyinka Casriga ah ee Dadka Loo Qaarijiyo.

Sargaal Hore oo Ka Tirsanaa Laamaha Sirdoonka Ruushka oo Lagu Magacaabo Sergei Skripal iyo Gabadhiisa oo Miyir Beelay ayaa afarii March Laga Helay Gurigooda ay Ka Deganayaan Magaalada cathedral ee wadanka Uk.

Faallooyin