Winnie Mandela oo La Filayo in Bari Lagu aaso Wadanka Koonfur Afrika

Hogaamiye yaasha Dalalka Dhaca Qaarada Africa ayaa Maalinimada Bari oo Sabti ah Waxaa ay Ka Qeyb Gali Doonan aaska Loo Sameyn Doono Xaaska Madaxweynihii Hore ee Wadanka Koonfur Afrika Winnie Madikizela-Mandela.


Madaxweynaha Wadanka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa Hogaamin Doona aaska Loo Sameynayo Haweneydaas si uu u soo Dhaweyo Hogaamiye yaasha iyo Marti sharafta Kale ee ku sugan Goobta ay Munasabadan Ka Dhaceyso.

Dowlada Koonfur Afrika ayaa sheegtay in Madaxweynaha Dumuqaradiga Dalka Congo Denis Sassou Nguesso iyo Dhigiisa Namibia Hage Geingob iyagana ay aaska Winnie Madikizela.
Gabdhaha uu Dhalay Nelson Mandela ayaa iyagana Goo Joog u ahaan Doona aaska Hooyadoo Kuwaasi oo Kala ah Zindzi Mandela iyo Zenani Mandela-Dlamini.


Hogaamiyaha Isbaheysiga Mucaaradka ah ee Kenya Mr Raila Odinga ayaa Isna Waxaa uu Ka Duulay Saaka Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Caasimada ee Nairobi si uu uga Qeyb Galo aaskaan.


Si Kastaba Ha ahaate aaska Qaran ee Loo Sameynayo Marwadii Madaxweynihii Hore ee Koonfur Afrika Ms Winnie Madikizela-Mandela ayaa La Filayaa in Qudbado Hor u Dhaca Taariikh-deeda Lagu Qabto Garoonka Cayaaraha ee Orlando Stadium ee Dalka Koonfur Afrika.

Faallooyin