Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore ee Barlamaanka Kenya oo Ka Laabtay Dacwadii Maxkamadeed ee Xildhibaanka Garissa

Madaxa Golaha aqlabiyada Barlamaanka Dalka Kenya ahna Xildhibaanka Laga soo Doortay Degmada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya Mr Aden Bare Ducale Iyo Gudoomiye Ku Xigeenkii Hore ee Barlamanka Kenya Mr Farah Macalim Maclim ayaa Ka Heshiiyay Qilaaf u Dhaxeyay Mudooyinkii La soo Dhaafay.


Labadaan Hogaamiye ayaa is Qoomay Qaabka ay u Dhacday Loolankii Kursiga Xildhibaanka Garissa oo ay Galeen Doorashadii Dalkaasi Ka Dhacday Sanadii La soo Dhaafay.


Kulankaan oo Ka Dhacay Maanta oo Jimca ah Guriga aden bare uu ku leeyahay Magaalada Nairobi ayaa La isla Gartay in Mudane Farax Macalin uu Dib ula Laabto Dacwada uu Mr Ducale Ka Geeyay Maxkamada Racfaanka ee Dalka Kenya.

Farax Macalin ayaa Marar Badan u sheegay in Doorashada Xildhibaan Ducale uu Kaga Guuleystay aysan u Dhicin si Cadaalad ah ayna Gudiga Doorashada Dalka Kenya u Garbiyeen.

Odayaal Ka soo Jeeda Laada Dhinac ayaa Garab Weyn Ka Qaatay Heshiiskan iyadoo Mudane Farax Macalin uu Balan Qaaday in uu Kala shaqeyn Doono Xildhiban Ducale Danaha Shacabka Garissa.

Faallooyin