In Ka Badan 3000 oo Ruux oo Badan Soomaali oo Ku Barakacay Daadad Xoogan oo ku Dhuftay Ismaamulka Tana River ee Dalka Kenya

Wararka inaga soo Gaaraya ismaamulka Tana River ee Gobolka Xeebta Dalka Kenya ayaa Waxaa ay sheegayaan in Tirada Dadka u Dhimanaya Daadadka ay Ku sii Kordheyso.


Afar iyo Labaatan kii saac ee La soo Dhaafay ayaa Waxaa ku geeriyooday Roob Xoogan oo Ka Da,ay Halkaasi afar Ruux Kadib Markii Biyo ay La Tageen.


Isku Duwaha Hey,ada Laanqeyrta Cas ee Dalka Kenya Mr Jerrald Bombe ayaa Waxaa uu sheegay in ku Dhowaad 3,000 ay Qaxooti ku Noqdeen Xerooyin Looga sameyay Banaanka Halka 1500, oo Ruux ay Hoy La,aan Yihiin Kuwaasi oo ay Badi ay Yihiin somalida ku Dhaqan Magaalada Charidende.

ismaamul Goboleedka Tana River ee Dalka Kenya ayaa Dhankooda Bilaabay in ay ku Dhawaaqay iyagana Gar Gaar ay Gaarsiinayaan Bulshada Xoola Dhaqatada ah ee ku dhaqan Degmada Bura Tana.

Daadadkaan ayaa waxaa sidoo Kale Qasaaro Ba,an oo ilaa iyo Hada La shaacin ay Gaarsiyeen Ganacsatada Walow ilaa iyo hada aan si Dhab ah loo Ogeyn.

Faallooyin