Itoobiya oo ku eedeysay Eritrea inay isku dayayso in ay khalkhal galiso amnigeeda

Ethiopia ayaa ku eedeysay deriskeeda Eritrea in ay isku dayayso in ay xasillooni la'aan ku abuurto amnigeeda iyaga oo taageeraya kooxaha gooni u goosadka ah xilli waddanku uu ku sii jiro xaalad degdeg ah.


Sida laga soo xigtay teleefishinka dowlada ee Itoobiya, golaha deg degga ah ee waddanka ayaa ku guulaystay inay hub ku qabtaan kooxaha mucaaradka oo doonaya inay ka soo galiyaan xaga xuduudda.


Asmara iyo Addis Ababa ayaa waxa horay u dhex maray laba dagaallo oo dhiig ku daatay oo ka bilowday khilaafaadka xudduudaha.


Tani ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee lagu eedeeyay Eritrea tan iyo markii ay Itoobiya ku dhawaaqday xaalad degdeg ah 18-kii Febraayo, kadib markii uu is casilay ra'iisul-wasaare Hailemariam Desalegn.

Faallooyin