Maxkamada sare ee magaalada Nairobi oo amartay in xabsiga lagu sii hayo Shan qof oo looga shakisan yahay argagixisanimo.

Maxkamad ku taal magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Jimcihii u oggolaatay bilayska in ay xabsiga ku sii hayaan shan qof oo looga shakisan yahay inay qorsheynayeen weerar lagu qaado maxkamadaha Milimani bishii hore, iyaga oo doonaya in ay xabsiga kasoo badbaadiyaan wadaad ka soo jeeda Marsabit oo maxkamada lasoo taagi lahaa.


Garsooraha sare ee maxkamada Martha Mutuku, ayaa waaxda bilayska ee La-dagaallanka Argagixisada u oggolaaday inay sii hayaan tuhmanayaasha ilaa 30 maalmood oo dheeraad ah.


Tuhmanayaasha ayaa magacyadooda loo aqoonsaday Abdimajit Aadan, Mohammed Nane, John Maina, Anthony Kitila oo loo yaqaan Rasta iyo Ms Lydia Nyawira.


Waxaa la aaminsan yahay in tuhmanayaashu ay qorsheeyeen in ay weeraraan maxkamadda ayna badbaadiyaan Sheekh Guyo Gorsa, oo loo haysto eedaymo la xiriira argagixisannimo.


Bilayska ayaa sheegay in shanta qof ay damacsanaayeen in ay weerar ku qaadaan Maxkamadda Sare ee Milimani 16-kii Febraayo, marka oo Mr. Gorsa loo qorsheeyay inuu ka soo hormuuqdo maxkamada si uu uga jawaabo eedeeymaha argagixisada.

Faallooyin