Erdogan:Ciidamada Turkiga kama bixi doonaan Afrin illaa iyo inta shaqada la qabanayo

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku gacanseeray mooshinka baarlamaanka Yurub ee ku baaqay in xukuumadda Ankara ay joojiso weerarka millatariga ee xudduudaha ee ka socda gobolka waqooyi-galbeed ee Afrin, isaga oo wacad ku maray in ciidamada Turkiga ay sii wadi doonaan hawlgalka illaa iyo inta laga gaarayo hadafka.


"Erdogan oo ka hadlayay xafladda abaalmarinta ee aqlka madaxtooyada ee Ankara ayaa Khamiistii sheegay in kaliya ay ka bixi doonaan Afrin marka howgalka lasoo gabagabeeyo.


Waxa uu ugu baaqay Baarlamaanka Yurub inuu noqdo "daacad", isagoo intaa ku daray, "Baarlamaanka Yurub inaysan waxba u sheegin karin Turkiga, islamarkaana wax kasta oo ay ku hadlaan aan dheg jalaq loo siin doonin, islamarkaana ay howshooda u gudan doonaan sidii loogu talo galay."


Mooshinka baarlamaanka Yurub ayaa sidoo kale ku booriyay Turkiga in ay ciidamadooda kala baxdo Afrin.

Faallooyin