Raila Odinga oo Hogaamiye yaasha Kale ee Mucaaradka ah u sheegay in kulankiisii madaxweynaha Kenya uu ahaa mid lagu badbaadinayo siyaasada isbaheysiga Mucaaradka.

Hogaamiyaha Isbaheysiga Mucaaradka ah ee Nasa ayaa Sharaxaad uga Bixiyay Hogaamiye yaasha Kale ee Mucaaradka ah Kulankii uu La Qaatay Madaxweynaha Kenya uhuru Kenyatta Todobaadkii La soo Dhaafay.

Mr Odinga oo Kulan La Qaatay Hogaamiyaha Xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka Dhigiisa Amani Mr Musalia Mudavadi iyo Mudanaha Golaha Aqalka Sare u Matala ismaamulka Bungoma Mr Moses Wetangula Waxaa uu u Sheegay in Talaabada uu Qaaday ay Xulashada ugu Wanagsan oo Lagu Badbaadin Karo siyaasada isbaheysiga Mucaaradka ah ee Nasa.

Mr Odinga ayaa Waxaa uu intaa ku daray in Wadamada Reer Galbeedka ay Mudooyinkii Danbe uu Kala Kulmayay Cadaadis ku aadan in Wadahadal uu La Galo Madaxweynaha Dalka si Loo Dhameeyo Qalalaasaha Siyaasadeed ee Ka Taagnaa Wadanka Mudooyinkii La soo Dhaafay.

Ra,isul wasaarihii Hore ee Dalka ayaa Waxaa uu intaa ku Daray in isaga iyo Madaxweynaha Dalka ay Ka Wada Shaqeyn Doonan ilaa iyo sanada 2022_da isbadal Lagu Sameeyo saraakiisha Gudiga Doorashada iyo xuduudaha Dalka ee IEBC.

Mr Odinga ayaa ugu Danbeyn Hadalkiisa ku soo Gaba Gabeyay in uu Taageeri Doono Hogaamiye yaasha Kale ee Nasa Shaqsiga ay usoo xushaan Doorashada Madaxtinimo ee soo aadan.

Faallooyin