Suuriya: Ugu yaraan 42 qof oo ku geeriyooday weerarrada cirka ee magaalooyinka Ghouta.

Ugu yaraan 42 qof ayaa lagu dilay deegaanka Ghouta ee bariga Suuriya, iyada oo ciidamada dawladdu ay sii wadaan weerarrada cirka ee goobaha dagaalyahanada mucaaradka ku suganyihiin islamarkaana ay ku sii dhawaanaya bartamaha magaalada ay gacanta ku hayaan.

Dhaqdhaqaaqayaasha ku sugan Douma, oo ka mid ah xarumaha muhiimka ah ee deegaanka, ayaa u sheegay Al Jazeera Axaddii in diyaaradaha Suuriya aysan kala joojin weerarada cirka ee magaalooyinka Ghouta".

Telefiishanka dowladda Suuriya ayaa soo wariyay in magaalada Mudeira ay ciidamadu la wareegeen, oo hadda ay awoodaan inay u sii gudbaan magaalooyinka kale oo ka tirsan bariga Ghouta.

Ciidamada dowladda ayaa hadda ku hareereysan magaalada Douma kadib markii ay ciidamada sidoo kale qabsadeen magaalada deriska ah ee Mesraba, oo 10km bari ka xigta magaalada Dimishiq maalintii Sabtida.

Faallooyin