Sri Lanka: Qaramada Midoobay oo cambaareysay rabshadaha ka dhanka ah Muslimiinta.

Qaramada Midoobay ayaa Axaddii cambaareysay weerarrada ka dhanka ah Muslimiinta wadanka Sri Lanka, oo ay ku jiraan gubashada masaajidda iyo ganacsiyada.
Xoghayaha Guud ee Arrimaha Siyaasadda Jeffrey Feltman ayaa u sheegay xukuumadda Sri Lanka in dadka ka danbeeya rabshadaha ay tahay in la hor keeno caddaalada oo lala xisaabtamo.

Intii booqashadiisu socotay, ee uu ku tagay dalkaasi Feltman "wuxuu cambaareeyay jabinta sharciga iyo kala dambeynta iyo weerarrada ka dhanka ah Muslimiinta iyo hantidooda", ayaa lagu yiri hadal ka soo baxay Qaramada Midoobay.

Feltman, oo la kulmay hogaamiyayaasha muslimiinta ee maxaliga ah si ay u muujiyaan midnimo, "ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo fuliyo ballan-qaadka xukuumadda ee ah in sharciga lala tiigsado kuwa ka danbeeya rabshadaha iyo hadallada nacaybka ah, islamarkaana ay qaadaan tallaabooyin looga hortago soo noqoshada, iyo inay hirgeliyaan xukun aan kala-takoorin sharciga ".

Weerarrada iyo rabshadaha ka dhan ah Muslimiinta ayaa waxay ka bilowdeen degmada Kandy toddobaadkii hore ka dib markii koox muslimiin ah ay dileen nin haysta diinta Buudhistaha oo muran dhex maray.

Faallooyin