Kenyaanka oo soo dhaweeyay wadahadalkii dhexmaray madaxweynaha Kenya iyo Hogaamiyaha mucaaradka.

Dadka Kenyaanka ayaa si kala duwan uga hadlay kulankii shalay dhexmaray madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyaatta iyo hogaamiyaha Mucaaradka ee NASA Raila Odinga, iyada oo inta badan ay soo dhaweeyeen qaar ka mid ahna ay ka soo horjeesteen.


Qaar ka mid ah ganacsatada Kenyaanka ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan wadahadalkii shalay dhexmaray madaxweynaha Uhuru Kenyaatta iyo Raila Odinga.


Ganacsatada ayaa sheegay in uu xanibmay dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee guud ahaan dalkaas balse ay hadda rajaynayaan in uu dalka ka soo kabsado kala qeybsanaanti ka jirtay mudooyiinki u dambayay.


Madaxweynaha Kenya iyo hoggaamiyaha urur weynaha mucaaradka ee Nasa ayaa markii ugu horeysay tan iyo doorashooyinkii sanadkii tagay ee dalkaas ka dhacay kulan ku yeeshay daarta Harambee House ee magaalada Nairobi.


Waxay ka wada hadleen sidii dib u heshisiin loo sameyn lahaa sido kalena looga gudbi lahaa ismari waagi siyaasadeed ee wadanka jiray.

Faallooyin