QM: Laba milyan oo carruur ah ayaa halis ugu jira inay gaajo u dhintaan wadanka DRC

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in in ka badan laba milyan oo caruur ah oo ku nool Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) ay halis ugu jiraan gaajo haddii aanay helin gargaarka ay u baahan yihiin.


Digniinta ayaa timid ka dib kulan dhexmatray madaxa madaxa arrimaha bini'aadminnimada, hay'adda Qaramada Midoobay Mark Lowcock, iyo deeq-bixiyeyaasha doonaya inay lacago gargaar ku bixiyaan si ay uga caawiyaan dalka xaaladdiisa adag.


Colaadaha iyo rabshadaha beelaha wada dega iyo dibad-baxyada ka dhanka ah Madaxweyne Joseph Kabila ayaa ah sababaha ugu wayn ee dhibaatada ka jirta dalka Bartamaha Afrika.


Toddobaadkii tagay ugu yaraan 79 qof ayaa la dilay markii dagaal uu ka dhex qarxay xoola dhaqatada Hema herders iyo beeralayda Lendu ee waqooyiga Gobalka Ituri.

Faallooyin