American admiral: Maraykanku waa inuu isku 'diyaariyaa' inuu dagaal la galo Shiinaha.

Taliye sare oo ka mid ahaa ciidamada badda Maraykanka ee Asia-Pacific Harry Harris ayaa u sheegay kongareeska in Mareykanka uu u diyaar garoobo suurtagalnimada dagaal lala galo Shiinaha, oo si cad u muujisay in ay xukunkooda ka hirgeliso badda South China Sea..


Harry Harris, oo loo magacaabay Safiirka Mareykanka ee Australia, ayaa u sheegay golaha wakiilada inay ku tiirsanaan doonaan Australia si ay uga caawiso nidaamka ku salaysan xeerarka caalamiga ee Pacific.


Safiirka cusub ayaa walaac ka muujiyay dhaqanka Shiinaha oo uu ku sheegay inay ka shaqeyn doonaan si loo yareeyo nidaamka caalamiga, maaha kaliya Indo-Pacific laakiin heer caalami ah ayuu yiri."


"Haddii Maraykanku aanu kula tartamin taliska [Pacific Command] waxaa adkaan doonta mustaqbalka inay iska difaacaan ciidanka Shiinaha hadii uu dagaal dhaco," ayuu raaciyay.


Waxa uu ku andacooday in Shiinuhu uu adeegsanayo "casriyeyn millatari, hawlgal wax ku ool ah iyo dhaqaale yaryar si ay u maamulaan waddamada deriska si ay uga taliyaan Indo-Pacific oo ay uga faa'iidaystaan."

Faallooyin