Xaaska wadaadka la dilay ee sh Aboud Rogo oo lagu xukumay toban sano oo xarig ah maxkamad ku taala Mombasa.

Haweeneyda uu ka tagay wadaadka Muslimka ee la dilay Sheikh Aboud Rogo, Haniya Sagar, ayaa lagu xukumay toban sano oo xarig ah maxkamad ku taala Mombasa.


Garsooraha xukunka riday ayaa sheegay in Haniya ay si joogto ah xiriir ula laheed saddex dumar ah oo lagu eedeeyay inay fulin rabeen weerarkii argagixisada ahaa ee fashilmay ee saldhiga dhexe ee booliiska Mombasa Sebtember 11, 2016.


Tasnim Yakub, Ramla Cabdiraxman Xuseen iyo Maimuna Cabdiraxmaan ayaa lagu dilay kadib weerar fashilmay oo ka dhacay xarunta bilayska sida ay dawlada Kenya sheegeen.


Garsoore sare Diana Mochache ayaa sheegtay in garsoorka uu door muhiim ah ku leeyahay ilaalinta hantida iyo dadweynaha.

Faallooyin